|
Barakicii ugu Baaxada Weynaa Muqdisho Kadhacay |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 10 November 2007 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org) Dad rayid ah oo aad ubadan ayaa xalay illaa saaka si aan caadi aheyn uga qaxaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadihii Dagaalka kadhacay oo ku yaala Degmooyika Heliwaa,Hodan iyo H/wadaag.
Barakacan ayaa lagu tilmaamay kii ugu baaxada weynaa ee dhaca muddaii ay bilowdeen Dagaalada udhaxeeya Ciidamada Dowlada oo ay taageerayaan Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha wax iska caabibnta caasimada kadagaalama.
Barakacan ay sameynayaan dadkan maatida ah ayaa ka dambeeyey ka dib Dagaalo qaraar oo ay isga horyimaadeen Ciidamad Itoobiya iyo kuwa ka horjeeda, dagaaladan ayaa geystay qasaare aad u fara badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Dagaaladan ayaa umuuqda kuwo sii xoogeysanaya kuna sii fidaya qeybo hor leh oo kamid ah Muqdisho, waxaana xalay markii ugu horeysey abaare 10:30 habeenimo ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu arkayey dad socda oo qaxaya ilaabeyna amaan daradii kajirta Caasimada.
Qaar ka mid ah Bosteejooyinka Gaadiidka Gobolada ayaa saaka waxaa si aan horey loo arag u soo buuxiyay boqolaal qoys oo ku sii jeeda Gobolada ku dhow Caasimada Mugdisho.
Dadka Dagaaladan kacararaya ayaa ah intooda badan kuwo danyer ah oo aan gaari karin meelo fog fog oo ay Dagaalada kaga baxsadan,kuwa ku harey Magaalada oo guryahoodana Dagaalka ooga soo baxay ayaa waxay daadsanyihiin wadooyinka Magaalada kuwaada hada nabdoon.
|